{"id":16160,"date":"2022-07-28T06:27:08","date_gmt":"2022-07-28T06:27:08","guid":{"rendered":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/?p=16160"},"modified":"2022-07-28T06:28:05","modified_gmt":"2022-07-28T06:28:05","slug":"turkiga-oo-ku-dhawaaqay-hawlgallo-milatari-oo-ay-ka-fulin-doonaan-waqooyiga-suuriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/turkiga-oo-ku-dhawaaqay-hawlgallo-milatari-oo-ay-ka-fulin-doonaan-waqooyiga-suuriya\/","title":{"rendered":"Turkiga oo ku dhawaaqay hawlgallo milatari oo ay ka fulin doonaan waqooyiga Suuriya"},"content":{"rendered":"<p>Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin, ayaa xaqiijiyay maanta oo Arbaco ah, in ay suurtagal tahay in howlgalka milatari dalkiisa uu ka fuliyo waqooyiga Suuriya, si looga hortago khatarta amni ee halkaas ka soo wajaheeysa \u00a0Turkiga.<\/p>\n<p>Afhayeenka madaxtooyada Turkiga \u00a0oo la hadlayayTelefishanka TRT ayaa yiri: \u201d Cidna ma waydiisan doono ogolaasho si Ciidamadeenu ay hawlgallo milatari ugu fuliyaan waqooyiga Suuriya, suura galna ma ahan inaan sheegno taariikhda ay Ciidamadeenu fulinayaan Weerarka.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa dhankiisa khamiistii la soo dhaafay sheegay in Turkigu uusan cidna ogolaasho waydiisan waqtigii uu hawlgalka milatari ka bilaabayay Suuriya.<\/p>\n<p>\u201d Anaga iyo dereskeena Waan is dhaafsan karnaa fikradaha lagu wajahaya dagaalada ka dhanka ah falaagada, laakiin ma weydiisan doono ogolaansho ku saabsan howlgalladeena militari ee ka dhanka ah argagixisada\u201d sidaas waxaa horay u yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.<\/p>\n<p>Tan iyo sanadkii 2016-kii, Turkiga ayaa saddex jeer hawlgallo millatari ka fuliyay Xuduudda uu dhanka \u00a0koonfureed kala wadaago Suuriya, kuwaas oo uu ku bartilmaameedsanayay kooxaha Kurdiyiinta iyo Maleeshiyaad kale oo Hubeeysan.<\/p>\n<p>Source: SONNA<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin, ayaa xaqiijiyay maanta oo Arbaco ah, in ay suurtagal tahay in howlgalka milatari dalkiisa uu ka fuliyo waqooyiga Suuriya, si looga hortago khatarta amni ee halkaas ka soo wajaheeysa \u00a0Turkiga. Afhayeenka madaxtooyada Turkiga \u00a0oo la hadlayayTelefishanka TRT ayaa yiri: \u201d Cidna ma waydiisan doono ogolaasho si Ciidamadeenu ay hawlgallo milatari [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":16161,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_vp_format_video_url":"","_vp_image_focal_point":[],"footnotes":""},"categories":[1,7,49],"tags":[],"class_list":{"0":"post-16160","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka","8":"category-wararka-caalamka","9":"category-wararka-maanta"},"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16160","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16160"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16160\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16163,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16160\/revisions\/16163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16161"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16160"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16160"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16160"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}