{"id":16165,"date":"2022-07-28T08:57:15","date_gmt":"2022-07-28T08:57:15","guid":{"rendered":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/?p=16165"},"modified":"2022-07-28T09:49:08","modified_gmt":"2022-07-28T09:49:08","slug":"xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-cagaarshowga-world-hepatitis-day-dhibaato-intee-leeg-ayuu-cudurka-cagaarshowga-ku-hayaa-bulshada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-cagaarshowga-world-hepatitis-day-dhibaato-intee-leeg-ayuu-cudurka-cagaarshowga-ku-hayaa-bulshada\/","title":{"rendered":"Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga (WORLD HEPATITIS DAY) Dhibaato intee le&#8217;eg ayuu cudurka Cagaarshowga ku hayaa Bulshada?"},"content":{"rendered":"<h3 class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\"><strong>W\/D: Prof\/Dr. Osman Mohamud Dufle.<\/strong><\/h3>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\n<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2022 waa \u201cInaan la sugin oo la ciribtiro cagaarshowga \u201cHepatitis Can\u2019t Wait\u201d.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\"><\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus \u2013 HAV).<\/strong><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifi n iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus \u2013 HBV)<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 294 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0a7 Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.<\/div>\n<div dir=\"auto\">\uf0a7 Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).<\/div>\n<div dir=\"auto\">\uf0a7 Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.<\/div>\n<div dir=\"auto\">\uf0a7 Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).<\/div>\n<div dir=\"auto\">\uf0a7 Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-<\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8211; Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8211; Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.<\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8211; Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)<\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8211; Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka<\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8211; Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus \u2013 HCV).<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 60 milyan qof ; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\">\n<div style=\"width: 696px;\" class=\"wp-video\"><!--[if lt IE 9]><script>document.createElement('video');<\/script><![endif]-->\n<video class=\"wp-video-shortcode\" id=\"video-16165-1\" width=\"696\" height=\"392\" preload=\"metadata\" controls=\"controls\"><source type=\"video\/mp4\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/10000000_5786584208032249_8289103457514707300_n.mp4?_=1\" \/><a href=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/10000000_5786584208032249_8289103457514707300_n.mp4\">https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/10000000_5786584208032249_8289103457514707300_n.mp4<\/a><\/video><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase):<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba\u2019aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba\u2019aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii hore laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Dabka iyo Cagaarshowga:<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).<\/div>\n<div dir=\"auto\">Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">25% &#8211; 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% &#8211; 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer \u2013 HCC).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% &#8211; 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% &#8211; 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer \u2013 HCC).<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu horeyn waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka la cuno. Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro, sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyada u gudbiso dhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani\u2019aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6), Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga .<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Sawiro<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16166\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1217\" height=\"662\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1.jpg 1217w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-300x163.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1024x557.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-768x418.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-696x379.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1068x580.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-772x420.jpg 772w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-500x272.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-800x435.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1217px) 100vw, 1217px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16178\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1217\" height=\"662\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n.jpg 1217w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-300x163.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1024x557.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-768x418.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-696x379.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1068x580.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-772x420.jpg 772w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-500x272.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-800x435.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1217px) 100vw, 1217px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16176\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1217\" height=\"662\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1.jpg 1217w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-300x163.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-1024x557.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-768x418.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-696x379.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-1068x580.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-772x420.jpg 772w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-500x272.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-1-1-800x435.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1217px) 100vw, 1217px\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16175\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1840\" height=\"844\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n.jpg 1840w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-300x138.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1024x470.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-768x352.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1536x705.jpg 1536w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-696x319.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1068x490.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-916x420.jpg 916w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-500x229.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-800x367.jpg 800w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1280x587.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1840px) 100vw, 1840px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16174\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1840\" height=\"844\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1.jpg 1840w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-300x138.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-1024x470.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-768x352.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-1536x705.jpg 1536w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-696x319.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-1068x490.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-916x420.jpg 916w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-500x229.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-800x367.jpg 800w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295935434_607379314310138_1485015442379025834_n-1-1280x587.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1840px) 100vw, 1840px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16173\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3.jpg\" alt=\"\" width=\"1217\" height=\"662\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3.jpg 1217w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-300x163.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-1024x557.jpg 1024w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-768x418.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-696x379.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-1068x580.jpg 1068w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-772x420.jpg 772w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-500x272.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296194030_607379287643474_5313910232352478874_n-3-800x435.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1217px) 100vw, 1217px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16172\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1008\" height=\"490\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n.jpg 1008w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-300x146.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-768x373.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-696x338.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-864x420.jpg 864w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-500x243.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/296017092_607379454310124_3396614302407142356_n-800x389.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1008px) 100vw, 1008px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16171\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1000\" height=\"666\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n.jpg 1000w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-768x511.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-631x420.jpg 631w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-500x333.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295990458_607379267643476_307573530707066187_n-800x533.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16170\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"481\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n.jpg 640w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n-559x420.jpg 559w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n-80x60.jpg 80w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n-265x198.jpg 265w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295976372_607379394310130_4907713543167093525_n-500x376.jpg 500w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16169\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1015\" height=\"511\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n.jpg 1015w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-300x151.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-768x387.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-696x350.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-834x420.jpg 834w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-500x252.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-800x403.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1015px) 100vw, 1015px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16168\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295744186_607379434310126_1500439826169736447_n.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"853\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295744186_607379434310126_1500439826169736447_n.jpg 640w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295744186_607379434310126_1500439826169736447_n-225x300.jpg 225w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295744186_607379434310126_1500439826169736447_n-315x420.jpg 315w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295744186_607379434310126_1500439826169736447_n-500x666.jpg 500w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16167\" src=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1015\" height=\"511\" srcset=\"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1.jpg 1015w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-300x151.jpg 300w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-768x387.jpg 768w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-696x350.jpg 696w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-834x420.jpg 834w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-500x252.jpg 500w, https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/295814050_607379364310133_6108257600922789114_n-1-800x403.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1015px) 100vw, 1015px\" \/><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/D: Prof\/Dr. Osman Mohamud Dufle. Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":16166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_vp_format_video_url":"","_vp_image_focal_point":[],"footnotes":""},"categories":[11,1,29,49],"tags":[],"class_list":{"0":"post-16165","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caafimaadka","8":"category-wararka","9":"category-wararka-gudaha","10":"category-wararka-maanta"},"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16165","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16165"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16165\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16183,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16165\/revisions\/16183"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16165"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16165"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalimagazine.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16165"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}