Muqdisho Luulyo 16, 2022, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta oo sebti ah ka qayb galay munaasabad dib loogu xusuusanaayey afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiga 15-kii July 2016 — taasi oo lagu suntay maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.
Tan iyo markii uu Afgenbigaasi dhicisoobay ayaa dowladda Turkiga maalinkaa u asteysay maalinta midnimada Shacabka Turkiga, waxaana dhammaan dalkaas lagu qabtaa dabaaldegyo waaweyn oo lagu xusaayo sidii Geesinimada lahayd ee ay Shacabka dalkaasi uga hortageen Laalidda Dimuquraaddiyadda wadankooda.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in isku xirnaanta shacabka iyo dowladba ay tahay mid muhiim ah waxaana shacabka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay is gacan qabtaan.