Muqdisho Luulyo 20,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS, iyadoo ay jiraan guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran uu ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran.
Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmooda, waxayna soo jeediyeen in loo dhameystiro wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u hayaan wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.