Dooro Luuqad —

Friday, November 15, 2024

Dooro Luuqad —

More

    KU-XIGEENKA RA’IISUL WASAARAHA OO KA QEYB GALAY MAALINTA AFGAMBIGII DHICISOOBAY EE TURKIGA

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Muqdisho Luulyo 16, 2022, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta oo sebti ah  ka qayb galay munaasabad dib loogu xusuusanaayey  afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiga  15-kii July 2016 — taasi oo lagu suntay maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.

    Tan iyo markii uu Afgenbigaasi dhicisoobay ayaa dowladda Turkiga maalinkaa u asteysay maalinta midnimada Shacabka Turkiga, waxaana dhammaan dalkaas lagu qabtaa  dabaaldegyo  waaweyn oo lagu xusaayo sidii Geesinimada lahayd ee ay Shacabka dalkaasi uga hortageen Laalidda  Dimuquraaddiyadda wadankooda.

    Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in isku xirnaanta shacabka  iyo dowladba ay tahay mid muhiim ah waxaana shacabka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay is gacan qabtaan.

     

    Share This Post