Dooro Luuqad —

Monday, January 20, 2025

Dooro Luuqad —

More

    Nin 19 Sano Dambi La’aan Ugu Xirnaa Talyaaniga Oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Mogadishu (SOMALI MAGAZINE)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Miino oo gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay Xaashi Cumar Xasan oo ku magac dheer (Xaashi Food), kaasoo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga oo uu ku xirnaa mudo ku dhow 20 sano.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku geeriyoosay, xili uu ka sii baxayay hoygiisa, wuxuuna xiliga la qarxinayay uu la sii dhaqaaqaya gaari nooca raaxaa ah uu watay.

    Marxuumka ayaa bishii October sanadkii 2016kii laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994-kii loogu geystay gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday.

    Gabadha wariyaha eheyd ayaa Soomaaliya u timid si ay ugu sameeyaan baaritaano eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeeray hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

    Iyadoo Maxkamadda Magaalada Rome ugu dambeyn dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana ay u xukuntay 3.181 Milyan oo lacagta Europe ah oo magdhaw ahaan loo siiyay.

    Share This Post