Nairobi-(SOMALI MAGAZINE)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaaraha ku dhuftay dalalka geeska afrika, isbebadalka cilimada iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh gobolka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka.
Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa boggaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aaddan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Source: Sonna