Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada madaxda Ankara.
Wafdigan ayaa u jeeedkiisu yahay iney ka qeyb galaan shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo uu garwadeen ka yahay Turkiga.
War-Saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya ka go’an tahay Ilaainta mabaadi’da madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa hori u sheegtay in aysan dowladda Itoobiya wax wada hadal ah la fureynin illaa ay ka noqdaan heshiiska is garadka ah ee ay la gaareen Soomaaliland ama ay ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan Guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Ahmed Mohamed Nuh.