Dooro Luuqad —

Tuesday, April 30, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Xildhibaana Somaaliyeed oo qeyb ka noqonday baarlamaanka Pan-African.

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Somali Magazine  –Xildhibaanada Baarlamaanka Pan Afrika qeyb ka noqday ka dibna loo dhaariyey ayaa kala ah,  Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), C/raxmaan M. Xuseen (Odowaa), Maxamed Jaamac Mursal (Geele), iyo Gobsan Maxamed Cumar.

    Afarta sano ee soo socota, xildhibaanadan ayaa Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Pan Afrika.

    Afarta Xildhibaan ayaaBaarlamaanka Lixaad ee Pan Afrika (PAP) ku  ansixiyay kalfadhigii koowaad ee caadiga ahaa.

    Si loo hubiyo in dadka Afrikaanka ahi ay si buuxda uga qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka qaaradda, waxaa la aasaasay baarlamaanka Pan-African Parliament, oo ah baarlamaan ka dhexeeya dhammaan Afrikaanka.

    Waxaa loola jeedaa in ay noqoto gole ay wakiilo ka socda wadamada Afrika ay ku yeeshaan doodo iyo go’aan ka gaarista arrimaha iyo dhibaatooyinka soo wajaha qaaradda.

    ugu danbeyn, xarunta sharci-dejintani waxay ku taallaa Midrand, Koonfur Afrika.

    Share This Post