Dooro Luuqad —

Tuesday, April 30, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Dhalinyaro ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay degaannada Somaliland

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deeganka Dubur ee duleedka degmada sheikh ee degaannada Somaliland kaidb markii uu Rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Kooxo fanaaniin ah.

    Inta la xaqiijiyay laba Dhalinyaro ah oo ahaa muuqaal duubayaal katirsan Barta Youtube-ka ee Waqal Studio ayaa ku geeriyooday shilkaas, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Musatafe Saleemaan iyo liibaan Daahir, halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

    Shilka kadib ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu dab ka kacay, kaas oo saameeyay goobo Ganacsi oo kuyaalla goobta uu shilka ka dhacay, waxaana dadka kale ee shilkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Sheekh si halkaasi loogu daaweeyo.

    Agaasimaha isbitaalka degmada Sheekh Xamse Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu shilka u dhacay iyo khasaaraha guud ee ka dhashay iyo sidoo kale xaalada Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay shilkaas.

    Qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida muuqaal duubayaashii ka tirsanaa Barta Youtube-ka ee Waqal Studio, iyaga oo qaarkood ku dhawaaqay inay fanka ka baxeen.

    Share This Post