Dooro Luuqad —

Tuesday, April 23, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay inay Masar la qaadatay mowqif gaar ah oo ku saabsan biyaha Nile

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) – Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal gaar ah oo dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ka yeesheen arrimaha la xiriira  Biyaha Nile.

    Afhayeenka madaxtooyada waxa uu sheegay, in labada madaxweyne aysan kusoo hadal qaadin mowqif u gaar ah oo ku saabsan webiga Nile, intii ay ku guda jireen shirkoodii jaraaid ee Qaahira.

    Sida uu afhayeenku sheegay, dowladda Soomaaliya waxay ay mar weliba dhiirrigelinaysaa in la raaco shuruucda caalamiga ah in si nabad ahna looga faa’idaysto mashaariicda biyaha Nile.

    “Shirka jaraaid ay qabteen labada madaxweyne & wadahadalkooda ma jirin qodob si gaar ah ugu saabsan arrintaan. Laakiin Webiga Nile waxa uu maraa dalal badan, mowqifka Dowladda Soomaaliya wuu cad yahay, waana in si nabad ah looga faaidaysto iyada oo la raacayo xeerarka & heshiisyada Caalamiga ah” Cabdikariin Cali Kaar.

    Warbaahinta dalka Masar ayaa shalay faafisay war kasoo baxay madaxtooyada dalkaas, kaas oo sheegayay in labada dowladdood ay qaateen mowqif ah inay kasoo horjeedaan siyaasada halka dhinac ah ee ay Ethiopia ka wado biyaha Nile.

     

    Source: HOL

    Share This Post