Dooro Luuqad —

Monday, May 13, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Magaalada New York oo magangalyo doonka u furtay hoy aad u weyn

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Somali Magazine –Magaalada New York ayaa Arbacadii furtay hoy degdeg ah oo weyn si ay si ku meel gaar ah u dejiyaan qulqulka magangelyodoonka.

    Xarunta Gargaarka iyo ka jawaabida degdega ah ee bini’aadantinimada, oo ku taal jasiirada Randall ee Manhattan, waxay leedahay qolal hurdo, tas-hiilaad cunto, xarumo madadaalo iyo xarumo go’doomin oo loogu talagalay soogalootiga.

    Koox muhaajiriin ah oo ka timid Venezuela ayaa la dhigay teendhooyin gargaar oo ku yaal jasiiradda.

    Waxaa duubtay Wakaaladda Anadolu inta ay dhismeysay oo dhan, hoygu hadda waxa ay aqbashaa magangelyo-doonka ragga ah ee keligood ah. Laakiin sida ay saraakiishu sheegeen, waxaa loo qaabayn karaa in lagu qaabilo 1,000 qof marka loo baahdo.

    Maalintii ugu horreysay, hoygu wuxuu arkay ammaan kor loo qaaday.

    Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta magaalada New York, xaruntan ayaa sidoo kale siin doonta dadka soogalootiga ah qubeys kulul iyo dhar dhaqid, waxaana haweenka la dejin doonaa teendhooyin qaarkood marka loo baahdo.

    Muhaajiriinta oo intooda badan bas laga soo raray Texas, waxay maraan nidaamka diiwaangelinta iyo gargaarka degdegga ah ee hoyga, kaas oo sidoo kale bixiya telefishin, fadhiyo, ciyaaraha looxa iyo telefoonnada wicitaannada caalamiga ah iyo sidoo kale sariiraha iyo miisaska cuntada.

    “Taariikhda dalkani waxay had iyo jeer ku xidhan tahay soo dhawaynta kuwa ka cararaya waxyeelada,” Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa ku yidhi muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

    “Taasina waa niyadda dalkan, waa in loo sameeyaa si habaysan, waxaana aaminsanahay inaan mar walba mas’uul ka nahay sida New York,” ayuu raaciyay.

    Tan iyo bishii Abriil, Guddoomiyaha Jamhuuriga Texas Greg Abbott ayaa u diray boqollaal basas siday muhaajiriinta magaalooyinka ay Dimuqraadigu hogaaminayaan ee New York, Chicago iyo Washington, D.C.

    Share This Post