Dooro Luuqad —

Sunday, April 28, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Magaalada New York oo xaalad Deg Deg ah la galiyey.

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Somali Magazine –

    Roobab ka da’ay qaar kamid ah Gobollada Mareykan ayaa sababay in Magaalada ganacsiga ee New york ay ku dhuftaan daadad xoogan, iyadoo biyuhu fariisteen guud ahaan magaalada.

    Magaalada  ayaa hadda xaalad deg deg ah la geliyey kadib markii qaar ka mid ah khadadka tareenada ee dhulka hostiisa mara iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada ay biyaha saameeyeen, dhanka kale waxaa gabi ahaanba albaabada la isugu dhuftay Terminal weyn oo ku yaalla Gegida Diyaadaha ee La Guardia.

    Qayaas  lagu sheegay, 8 (20cm) oo cabbirka  roobka ah  uu ka da’ay qeybo  ka mid ah Magaalada. Iyadoo la filayo in dhowr inch oo kale uu ka da’o Dabayaaqada jimcaha illaa galimka danbe Sabtida.

    Dadka ayaa sidoo lagu amray iney qaataan Soojeedinta dowladda oo ah in aysan ku safrin wadooyinka  dadadka qulqulayaan.

    Ugu danbeyn, Roobab waaweyn, Duufaanno, Dhulgariiro, iyo kuleyl badan ayaa adduunka ku dhuftay inta lagu guda jiro Sanadkaan 2023 taas oo lo sababeynayo isbaddalka Cimillada eek u dhuftay guud ahaan Adduunka.

    Ahmed Mohamed Nuh

    Share This Post