Dooro Luuqad —

Sunday, April 28, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Nabadaa Caana Mac

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Mogadishu

    Cidna ma mooga in nabadu caano macdahay iyo in dagaal wiil ku dhinta mooyee aanuu wiil ku dhalan.

    Waxaan ku nool nahay wadan ay soo daashadeen dagaalo sokeeye oo mudo badan ka soconayay kuwaasoo burburiyey dhamaan kaabayaasha nolosha dhaawac aad u weyna u geystay dawlidnimadii wadankeenii Soomaaliya.

    Waxaa soo baxay jiil wariyeyaal ah oo aan iyaga uba aabo yeelin soo tabinta wax walbo xitaa hadii aay nabadu wax u dhimeyso.

    Taasi waxaa sababta ugu weyn ah wacyi la’aan iyo tababar la’aanta wuxufiyiinta si ay u ogaadaan muhiimadu ay nabadu leedahay noloshada iyo wada noolaashaha iyo dawladnimadeena.

    Waxaan aheyd dhow markii aan ka qeyb galay tababar ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen ururada bulshada rayidka ee kala ah HANAHR iyo Agency for Peacebuilding AP oo fadhigeedu yahay talyaaniga.

    Waxaa tababarkaas taageerayay hayada IFA iyo wasaarada arimaha dubada ee Jarmalka (This peacebuilding training program in Somalia is funded by the Federal Foreign Office (AuswärtigesAmt) & IFA)

    Ahmed Mohamed Nuh

    Share This Post