Dooro Luuqad —

Monday, May 20, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhagaxbuur

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Somali Magazine -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray magaalada Dhagaxbuur ee ismaamulka Soomaalida.

    Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhoweeyay qeybaha bulshada, sida odayaasha dhaqanka, haweenka iyo qeybaha dhalinyarada.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la kulmi doona maamulka magaalada, odayaasha, iyo bulshada rayidka, si uu ugala hadlo muhiimaddana u siiyo amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

    Sida ay warar hoose ku heshay Somali Magazine, Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa tagi doona Godey iyo Kebri Dehar oo ay  sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan bulshada deegaanka.

    Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ayaa horay uga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka iyo ciribtirka maleeshiyada Al-Shabaab, kulan ay Isniintii ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga.

    Share This Post