Dooro Luuqad —

Saturday, April 20, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Ra”iisul wasaarihii hore ee Sri Lanka oo maanta loo doortay Madaxweynaha Cusub

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Muqdisho Luulyo 20,2022, Ku simaha Madaxweynaha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa maanta Arbaco ah  loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayay xaalad dhaqaale xumo  tii ugu darneyd.

    Xoghayaha guud ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in Wickremesinghe oo ku guuleystay 134 cod oo ka mid ah 225-ka xubnood ee baarlamaanka, loo doortay madaxweynaha bedeli doona.

    Subaxnimadii Arbacada, baarlamaanka ayaa u codeeyay in la doorto madaxweyne cusub, 219 cod ayaa la helay. Iyadoo afar cod  ay xumaadeen, laba xildhibaan ayaa ka aamusay codbixintii maanta.

    Doorashada  ayaa ku tartamayey Saddex musharrax in ay noqdaan madaxweynaha cusub.

    Ku simaha madaxweynaha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa la kulmay mucaaradka ay taageerayaan Dullas Alahapperuma iyo Anura Kumara Dissanayake intii ay socotay codbixinta qarsoodiga ah.

    Alahapperuma, ayaa ku guuleystay 82 cod, waa wasiirkii hore ee waxbarashada, waana xubin mucaarad ah oo ka tirsan xisbiga Sri Lanka Podujana Peramuna, oo ay maamusho qabiilka madaxweynihii hore ee Gotabaya Rajapaksa. Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka oo is casilay todobaadkii hore iyadoo ay socdeen dibadbaxyo ballaaran.

    Musharaxa seddexaad ayaa ahaa Anura Kumara Dissanayake oo ka tirsan xisbiga Awooda Shacabka, kaasoo baarlamaanka ku leh seddex xubnood oo kaliya. Dissanayake wuxuu ku guuleystay saddex cod guud ahaan cododka la dhiibtay.

    Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Ranil Wickremesinghe ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaas, kaddib markii Rajapaksa uu dalka ka baxsaday.

    Baarlamaanka dalka ayaa markaas bilaabay habkii lagu dooran lahaa madaxweyne cusub.

    Rajapaksa waxa uu Singapore uga soo qaxay Maldives.

    Waxa uu ka baxsaday Sri Lanka ka dib markii kumannaan qof oo mudaaharaadayey ay xoog ku galeen qasriga madaxtooyada ee caasimadda Colombo oo ay dab qabadsiiyeen guriga ra’iisul wasaaraha.

    Dadka reer Sri Lanka waxay dhibaatadan ku eedeeyaan boqortooyadii siyaasadeed ee Rajapaksa. Rajapaksa walaalkiis Mahinda ayaa iska casilay ra’iisul wasaaraha bishii May.

    Iyada oo ay curyaamisay yaraanta kaydka sarifka lacagaha qalaad ka dib markii uu burburay dhaqaalihii ku tiirsanaa dalxiiska, dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin 22 milyan oo qof ayaa iska bixin waayay dhammaan deymihii dibadda lagu lahaa.

    Waxay awoodi wayday inay bixiso cuntada, shidaalka, iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah, iyadoo shidaal yari ay iyaduna keentay in koronto la’aan maalin kasta. Iskuullada waa la xiray waxaana shaqaalaha gobolka laga codsaday inay ka shaqeeyaan guriga.

    Dawladdu waxay kala xaajoonaysaa Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF si ay u hesho xirmo badbaado ah, laakiin wax heshiis ah lama dhammaystirin ilaa hadda.

    Share This Post