Dooro Luuqad —

Tuesday, April 30, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Premier Bank oo ka qeyb qaadanaya gurmadka qaraxii soobe 2

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Mogadishu
    Premier Bank ayaa maanta Boqol Kun oo dollar ugu deeqay ololaha loogu gurmanayo dadka ku waxyeelloobay qaraxii Soobe 2 ee ka dhacay magaalada Muqdisho Sabtidii 29ka Okoobar 2022.

    Deeqdan ayaa loogu talo galay fududeynta howlaha gargaarka degdegga ah ee socda, si loo badbaadiyo dadka dhaawacyada halista ah soo gaareen iyo qeyb ka qaadashada isku gurmashada bulshada dhexdeeda ah.

    Madaxa ganacsiga bangiga Cabdishakuur Afrax ayaa sheegay in ay si dhow ula

    shaqeynayaan guddiyada gurmadka iyo isxilqamayaasha u istaagay

    badbaadinta dadkii ku waxyoolloobay musiibada.

    “Bangiga waxa uu gudanayaa mas’uuliyadda kaga aaddan garab istaagga iyo

    caawinta bulshada, gaar ahaan xilliyada adag oo dadkeenu abaahan yihiin

    isgarabsiga” ayuu yiri Afrax.

    “Dadka dhintay qaarkood waxa ay ka tageen agoon u baahan in la kafaalo qaado, kuwa dhaawacmay waxay u baahan yihiin baxnaano, kuwa ku hanti beelay waa in lagu caawiyaa inay soo kabtaan” ayuu raaciyay.

    Dhammaan mas’uuliyiinta bangiga waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday musiibada Soobe 2, iyaga oo Ilaahey uga baryay inuu jannadii ka waraabiyo, dhaawacyadana Alle uga baryay bogsasho degdeg ah.

    Bangiga ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay ka qeybqaadashada gurmadka, si loo badbaadiyo dhibbanayaasha iyo qoysaskoodaba, isaga oo muujiyay muhiimmada ay arrintan u leedahay jiritaanka ummadda iyo isku xirnaanteeda.

    Share This Post