Dooro Luuqad —

Tuesday, April 30, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Shirka Cilmi Baarista Injineeriyadda, Seyniska iyo Tiknolojiyadda oo ay iska kaashadeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Shirka cilmi baarista injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo ay iska kaashadeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya oo sannadkii 6-aad ay wada qabteen ayaa maanta Muqdisho lagu soo gababeeyay.

    Shirka ayaa waxaa uu sanadkan halku dhiggiisu ahaa in xal waara loo helo ka jawaabidda isbedelka cimillada. Shirkan waxaa ka hadlay lix khubaro oo ku xeeldheer arrimaha isbedelka cimillada iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay 36 daraasadood iyo labo dood cilmiyeed, waxaana ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo qof.

    Shirkan ayaa furitaankiisa lagu soo bandhigay cilmibaarisyo kala duwan, dood cilmiyeedyo taabanayay arrimaha isbedelka cimillada iyo gaar ahaan daraasado ku saabsan seyniska, engineeriyada iyo tiknolojiyadda.

    Guddoomiyaha shirka CEST Eng. Maxamed Cabdullahi Cali ahna Hormuudka kulliyadda Kombuyuutarka iyo IT da Jaamacadda Jamhuuriya ayaa kusoo dhoweeyay ka soo qeybgalayaasha shirka 6-aad ee CEST una mahadceliyay martida iyo taabageliyeyaasha shirka oo ahaa Hormuud iyo Salaam Bank.

    Guddoomiyaha Jaamacadda Simad Ustaad Dr Daahir Xasan Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu leeyahay mowdhuuca sanadkan oo khatar weyn ku haya dalkeenna. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay in xoogga la saaro cilmibaarista si kor loogu qaado aqoonta da’yarta.

    Madaxweyne Ku xigeenka Jaamacadda Jamhuuriya Eng. Cabdirisaaq Warsame Cabdulle oo asagana hadal ka jeediyay shirka ayaa xusay kaalinta weyn ee ay cilmi baaristu ka qaadan karto hormarinta bulshada.

    C:Sonna

    Share This Post