Dooro Luuqad —

Tuesday, May 21, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Soomaaliya waxa ay udabaal degeysaa Guushii taariikhiga aheyd ee ay soo hooyeen xulka 17 jirrada.

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Somali Magazine -Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17 jirada ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay ku guulaysteen tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa oo ay ku tartamayeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

    Xulka South Sudan ayaa waxaa 3-1 kaga badiyay da’yarta Soomaaliyeed ciyaar ka tirsaneydkoobka bariga iyo bartamaha ee afrika  Sabtidii.

    Tan iyo markii uu dalka ka billowday dagaalladii sokeeye sannadkii 1991-kii, waa markii ugu horreysay oo koox Soomaaliyeed ay guul ka gaarto ciyaar caalami ah.

    Ummaddii ay colaaddu dhex martay waxay soo martay dareen naadir ah oo ay ku midaysan yihiin guusha ay gaadheen.

    Markii kooxdan ay soo gaareen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf kaga qaatay xarunta madaxtooyada.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri “Waxaad tusaale wanaagsan u tihiin dhalinyarada kale ee Soomaaliyeed iyo in ay ku daydaan oo ay guulo ceynkan oo kale ah la yimaadaan”.

    Share This Post