Dooro Luuqad —

Tuesday, April 30, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Ugu yaraan 100 qof oo ku dhintay qaraxyo baabuur oo Muqdisho ka dhacay.

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Ugu yaraan 100-qof ayaa ku dhintay 300-qof oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor barqa ah  ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda waxbarashada ee magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah.

    “Dadkeennii la xasuuqay…waxaa ka mid ahaa hooyooyin, aabbayaal xaalad caafimaad qaba, arday waxbarasho loo diray, ganacsato nolosha qoysaskooda la daalaa dhacaysay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo  imaanhiyaha goobta  kaddib yiri.

    Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, inkastoo madaxweynaha uu ku eedeeyay kooxda Islaamiga ah ee Al Shabaab. Al Shabaab ayaa inta badan ka fogaada sheegashada mas’uuliyadda weerarada ay ka dhashaan khasaarooyin badan.

    Qaraxyadii ugu horeeyay ayaa lagu weeraray xarunta wasaaradda waxbarashada oo ku dhow isgoyska mashquulka badan ee magaalada Muqdisho. Midka labaad ayaa dhacay markii ay halkaasi gaareen gaadiidka gurmadka degdega ah oo ay dadku isugu soo baxeen si ay u caawiyaan dhibanayaasha.

    Mowjadda qaraxa ayaa burburisay dhismayaalka agagaarka. Dhiig ayaa qariyay inta badan laamiga.

    Weerarkan ayaa ka dhacay isla goobtii uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof,shan sano ka hor sanadkii 2017 bishaan oo kale, oo ay ku yaalaan xafiisyada Dowladda. makhaayadaha iyo dukaamada.

    Maxamuud ayaa sheegay in tirada dhibanayaasha ay sii kordhi karto. Waxa uu faray dowladda in ay si deg deg ah ula soo gaaraan dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

    Share This Post