Dooro Luuqad —

Sunday, April 28, 2024

Dooro Luuqad —

More

    Wasiirada Difaaca ee Turkiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga gobolka, iyo dagaalka Ukraine

    Share This Post
    La wadaag cid kale

    Wadahadal taleefoon oo ay wada yeesheen Axadaan, wasiirrada difaaca ee Turkiga iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga ee labada dal iyo gobolka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

    Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Hulusi Akar ayaa u sheegay dhiggiisa Ruushka Sergei Shoigu in Turkigu uu diyaar u yahay inuu qaybtiisa ka qaato xabbad-joojinta Ruushka iyo Ukraine, iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Taliyayaasha difaaca ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan in laga taxadiro oo laga digtoonaado daan-daansiga wax u dhimaya amniga gobolka, waxaana la isku raacay in la iska kaashado arrimahan oo kale, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.

    Horaantii Axadii, Shoigu waxa uu telefoon kula xidhiidhay dhiggiisa Faransiiska Sebastien Lecornu, isaga oo ka wada hadlay xaaladda Ukraine.

    Shoigu waxa uu u gudbiyay dhigiisa Faransiiska walaaca ay ka qabaan “daandaansiga suurtagalka ah ee Ukraine iyadoo la adeegsanayo bam wasakh ah,” sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

    Bambaanada wasakhaysan ama aaladaha kala firdhiso shucaaca waa nooc ka mid ah hub shucaaca mala-awaal ah oo isku dara walxaha shucaaca iyo walxaha qarxa ee caadiga ah. Ujeedada hubku waa in lagu wasakheeyo aagga ku xeeran walxaha kala firdhiyey/qaraxa caadiga ah iyada oo la adeegsanayo walxo shucaac ah, oo u adeegta ugu horrayn sidii aagga lagu diido dadka rayidka ah.

    Share This Post