Languages —

Tuesday, April 16, 2024

More

    Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan

    Share This Post

    BBC Somalia | Cabdishakuur Casoowe

    Friday, 17/6/2022

    Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

    Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.

    Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

    Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

    Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.

    Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

    NATO

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

    Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.

    Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

    Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.

    Awoodda militeri ee Soomaaliya 2022

    Militeriga Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA GAASHAANDHIGGA

    Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

    Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

    Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

    1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

    Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

    Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

    Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

    Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

    Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

    Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

    Ciidan Soomaali ah oo tababaranaya

    XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA EE TURKIGA

    Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.

    Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedhaay 65 gawaadhida gaashaaman ah.

    Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

    Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

    Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

    11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

    Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

    Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

    Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

    Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

    Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

    Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

    Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

    Deynta dibadda waa $30,450,000.

    Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

    Militeriga Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA GAASHAANDHIGGA

    Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

    Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

    Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

    Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo

    Share This Post