Languages —

Wednesday, April 24, 2024

More

    Maxaa kajira in lagu karantiilay Imaraatka Carabta qaar kamid ah Wafdigii lasocday Madaxweynaha

    Share This Post

    wararka ayaa sheegaya Qaar ka mid ah wafdigii ku wehlinayay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo markii la doortay bishii hore ayaa la sheegay in lagu karantiilay dalka Imaaraadka Carabta.

    Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

    Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

    Waxay dadku is weydiinayeen halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.

    Wararka waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah wefdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka corona.

    Waxay ay xaqiijiyeen in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wefdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu la haa hogaanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

    Share This Post